Asturnaanta
Qoraalkan wuxu sharaxaya sida Fedasil u maamusho una farsameeyso xogta shaqsiyeed ee la xirirta isticmaalka webseet ka fedasilinfo.be, taas oo Fedasil ushaqeeyso masuulka xogta.
Fedasil wexey ufarsameeysa xogtaada shaqsiyeed si waafaqsan xeerka guud ee ilaalinta xogta, oo loo soo gaabiye ”GDPR“ iyo sidoo kale sharciga taariikhdiisu tahay 30-ka luulyo 2018 ee kusaabsan ilaalinta dadka dabiiciga ah marka la farsameenayo xogta shakhsiyeed.
Ujeedada bayaankan sirta ah wa in lagu bixiyo daah furnaan weyn oo ku saabsan xogtaada shakhsiyeed ee la farsameeyay, sawabta loo farsameeyay iyo waxa xuquuqahaaga ey yihiin.
Masuulka xogta
Fedasil, oo ah wakaalada federaalka ee qaabilsan so dhaweynta magan galyo-doonayaasha (Kartuizersstraat 21 1030 Brussels), oo uu matalo agaasimaha guud, ayaa ah masuulka xogta ee ka masuul ah farsameynta xogta shakhsiyeed ee la sameeyo iyadoo la xiriirta website ka www.fedasilinfo.be .
Sarkaalka ilaalinta xogta ee looso gaabiye (DPO):
Sarkaalka ilaalinta xogta waa qofka lagala xiriirayo wixii su’aalo ah ee aad qabtid ee ku saabsan habeynta xogtaada iyo kudhaqanka xuquuqahaaga hoos yimaada GDPR, jawaabaha aan lagu darin bayaanka sirta ah.
Waad la xiriiri kartaa Sarkaalka ilaalinta xogta ee Fedasil (DPO):
• Iyadoo email: privacy@fedasil.be
• Iyadoo loo maraayo foomka xiriirka
• Iyadoo boosto ah
Fedasil
loo jeediyay sarkaalka ilaalinta xogta ‘DPO’
Kartuizersstraat 21
1000 Brussels
Sawabta ay Fedasil u farsameeyso xogtaada?
Isticmaalka xogta shakhsiyeed iyadoo loo maraayo foomka xirirka iyo email
Markaad Fedasil siisid xog shakhsiyeed iyadoo loo maraayo foomka xiriirka ee website-keena ama email (sida magacaaga, ciwaanka email-ka, iyo lambarka talefoonka), xogtan waxaa loo isticmaala oo kaliya in lagu maareeyo laguna jawaabo su’aashaada. Waxaan ku tiirsanahay ogolaanshahaaga farsameeyntan.
Diiwaanada amaanka
Intaa waxaa dheer, Waxaan diiwaan galineeyna looga IP-ga ee booqdayaasha webseet ka si an uilaalino webseet keena, oo eey kujiraan ka hortaga weerarada DDos iyo jabinta isku deyga. Farsameyntan waxaa lagu sameeya iyadoo lagu saleenaayo waajibaadka sharci ee saaran Fedasil ee khuseeya amniga intarneetka.
Xogta kujirta chatbot-ka
Hadii aad si lama filaan ah ugu soo gasho xogta shakhsiyeed ee chatbot-ka ee ku yaala bogeena, xogtan wexey heeyn doontaa mudo lix bilood ah si loo hagaajiyo wax qabadka chatbot-ka oo aan kaqeyb qaadano hadafkeena oo ah bixinta macluumad sax ah oo kusaabsan habka magan galyo-doonka iyo taageerida maadiga ah. Waxaan uhabeeneeyna xogtan iyadoo kusaleeysan saldhig sharci ah oo ah howl lagu fulinaayo danaha guud ee dadweynaha, taas oo qeyb ka ah himilada Fedasil.
Sidee xogtaada loo ilaaliya?
Fedasil wexeey qaada tilaaboyin farsamo iyo kuwo nithaamsan oo ku haboon si ey uilaaliso xogta shakhsiyeed ee kahor taga burbur lama filaan ah ama sharci daro ah, lumis lama filaan ah, wax kabadalid an la ogoleen, shaacinta ama galitaanka aan la ogoleen, isticmaalka khaldan ama nooc kasta oo kale oo sharci daro ah oo lagu farsameenayo xogta shakhsiyeed ee heesashadeena.
Wa ayo datka helaaya xogtaada?
Xogtaada looma wareejin doono wadamada sedexaad ama ururada caalamiga ah.
Habeeynta xogta shakhsiga ah waxaa fuliyaa shaqaalaha Fedasil. Xubnaha shaqaalaha wexey kuxiran yihiin waajibaadka qarsoodiga ah sida kucad xeerka anshaxa ee Fedasil. Shaqaalaha qaarkood, sida dhaqaatiirta, wexey sidoo kale kuxiran yihiin xejinta sirta. Waxaan sameeyna wax walba oo aan awoodno si aan usiino shaqaalaheena tawabar kusaabsan muhiimada sirta iyo ilaalinta xogta.
Shaqaalaha Fedasil wexey isticmaalaan habab macluumaad oo toos ah oo lagasoo iibsaday adeeg bixiyo yaasha dibada.
Marka lagu daro adeegyada IT-ga, Fedasil waxaa kale oo ay ka hoowl galisaa soo saarayaal kale oo kala duwan marka loo eego maareeynta kheeraadka aadanaha, taageerida sharciga, iyo adeegyada taageerida ee la xiriira. Dhinacyadan dibada ah wexey si gaar ah ushaqeeyaan ayagoo ka wakiil ah oo hoos yimaada awooda Fedasil, si waafaqsan hab socodka xogta iyo sharciga lagu dabaqi karo ee ilaalinta xogta shakhsi ahaaneed.
Ilaa intee ayaan heeysana xogtaada khaaska ah?
Fedasil wexey xogta shakhsiyeed ku haayaan si waafaqsan waqtiyada sharciga ah ee lagu heyn karo iyo jadwalka keeydinta gudaha. Xogta shakhsiga ah lamahaayo in kabadan intii loo baahnaa. Mar hadii eey dhacaan mudooyinkan, xogta shakhsi ahaaneed wa latirtiraa.
Xuquuqdaada
Iyadoo kuxiran habeeynta iyo habka sharciga ah, Waxaad heeysataa tiro adiga kuquseeya oo aad kuxajisan karto xogtaada shakhsiyeed:
xuquuqda galintaanka iyo koobiga: Waxaad xaq uleedahay inaad gasho xogtaada shakhsiyeed ee uu farsameeyo Fedasil aadna heli karto xog bilaash ah.
Xuquuda sixida: Waxaad xaq uleedahay in lasaxo xogta shaqsi ahaaneed ee adiga kugu saabsan sida ogu dhaqsiyaha badan. Iyadoo loo eegaayo ujeedada habeeynta, waxaad xaq uleedahay in ladhameestiro xogta shakhsiyeed ee aan dhameestirneen.
Xaquuqda diidmada: Xaaladaha qaarkood, Waxaad xaq uleedahay waqti kasta inaad diido, sawabo la xiriira xaaladaada gaarka ah, habeeynta xogta shakhsi ahaaneed ee adiga kugu saabsan.
Xuquuqda diidmada habeeynta: Xaaladaha qaarkood, Waxaad xaq uleedahay inaad hesho xadidaada habeeynta xogtaada.
Xuquuqda tirtirmada: Xaaladaha qaar, Waxaad xaq uleedahay in xogtaada gaarka ah latirtiro iyada oo aan dib loo dhigin.
Xuquuqda qaadista xogta: Xaaladaha qaar waxaad xaq uleedahay, inaad hesho xogta shakhsiyeed ee aad siisay Fedasil qaab habeeysan, inta badan laisticmaalo, iyo qaabka mashiinka u akhrin karo, iyo sidoo kale xaqa aad u leedahay inaad xogtaad ugudbiso maamule kale.
Xuquuqda aad kala noqon karto ogolaanshahaaga: Halka habeeynta xogta shakhsiyeed ee kusaleeysantahay ogolaanshahaaga, waxaa laga yaabaa inaad kanoqoto ogolaanshahaas.
Macluumaad dheeri ah oo kusaabsan xuquuqda asturnaanta iyo xeerka quseeya habeeynta xogta shakhsiyeed ee Beljimka waxaa laga heli karaa boga intarneetka ee hay’ada ilaalinta xogta: www.gegevensbeschermingsautoriteit.be
gudashada xuquudaada
waxaad xuuqdan kafaaideesan kartaa adiga oo udiraaya Fedisil codsigaaga ciwaankan privacy@fedasil.be ama adoo adeegsanaaya foomka xiriirka. Hadii aadan heli karin Kombuyuutar, waxaad sidoo kale kusoo diri kartaa xogtaada boostada, adigoo u diraaya masuulka ilaalinta xogta ciwaankan:
Fedasil
Udir masuulka ilaalinta xogta ‘DPO’
Kartuizersstraat 21
1000 Brussels
Waxaan ku xasuusineeyna in aqoonsigaaga si macquul ah loo xaqiijin karo si aan uhubino in qofkale uu san iskudayin inuu kafaaideesto xuquuqdaada.
Codsigaaga sida caadiga ah waxa lagu habeeyn doonaa mudo hal bil ah. Hadii codsigaaga uu yahay mid adag ama aan heeyno codsiyo badan oo labahabeeynayo, mudada jawabta weey kordhismi kartaa ila lawo bilood.
Go‘aan qaadasho otomaatig ah
Bogan intarneetka iyo chatbot-ka lagubixiyo bogan lawadaba ma isticmaalaan go‘aan gaaris otomaatig ah. Chaatbot-ka maheli karo feelasha shakhsiyeed jawaabihiisana wexey ku saleeysan yihiin kaliya macluumaadka kujira bogan intarneetka.
Cabashooyinka iyo macluumaad dheeri ah
Fedasil wexeey dadaal kasta kubixisa si loo xaqiijiyo amaanka xogta ay masuulka katahay. Hadii eey dhacdo khilaaf, Waxaad cabasho ugudbin kartaa masuulka ilaalinta xogta ee Fedasil (privacy@fedasil.be) ama u gudbi
Hay‘ada ilaalinta xogta:
Hay‘ada ilaalinta xogta
Drukpersstraat 35, 1000 Brussels
+32 (0)2 274 48 00
cusbooneysiinta bayaankan asturnaanta ah
Fedasil waxaa lagayaaba iney wax kabadasho bayaankan siraha ah waqti ka waqti. Nooca ogudambeyay markasta waxa lagaheli karaa www.fedasilinfo.be.
